4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2018
Khayre Oo La Kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)–  Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khaye oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.

Khayre iyo Mohammed bin Salman ayaa la sheegay inay ka wada-hadleen danaha labada qaran,kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ee laga maamullo dalka Sacuudiga.

"Ra'iisul wasaare Khayre wuxuu ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed." ayaa lugu yiri qoraal uu baahiyay xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa boggaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed,sida uu xafiisku xaqiijiyay.

Arbacadii wuxuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee saameynta ku leh Soomaaliya, dalka ayaa sidoo kale taageerro kala duwan siiya dowladda Soomaaliya, balse labada dal ayaa isku diidday go'aanka dalalka khaliijka uu xiriirka ugu jaray Qatar,wixii marka ka dambeeyay waxaa la sheegay in Sacuudiga uu hoos u dhigay taageerrada uu siin jirey Soomaaliya, iyadoon aysan kala caddeyn wali sida ay arrinta wax uga badali karaan kulamadan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]