Khamiis, October, 11, 2018 (HOL)– Ra'iisul Wasaaraha
Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalintii Saddexaad booqasho rasmi
ah ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudiga,
isaga oo kulamo kala duwan halkaa kula leh madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu
ka mid yahay Boqor, Salmaan binu Cabdulcasiis.
War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal
wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay ‘’Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan waxey
ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo
Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda".
Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in Khayre uu
sidoo kale kulamo la qaadanayo madaxda Bangiga horumarinta Islaamka, oo ay ka
wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, iyo "maal-gelinta iyo
dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda
dalka".
Ra’iisal wasaaraha iyo wafdiga la socda waxaa
Muqdisho ka qaaday Talladadii todobaadkan diyaarad qaas ah oo uga timid dalka
Sacuudiga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]