4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2018
Mukhtaar Rooboow ‘’ Walaac ayaan ka qabnaa dib u dhaca guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed

 

Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)–Waxaa soo baxaya shaki laga muujinayo dib u dhaca ku yimid magacaabista guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed sida uu maanta kulan ka dhacay Baydhabo uu ka hor sheegay Mukhtaar Rooboow.

Mukhtaar Rooboow oo dowladdu is hortaagtay musharaxnimadiisa ayaa wali sii wata kulamada uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed kuna dhaqan magaalada Baydhabo waana qeyb ka mid ah u diyaar-garoowgiisa doorashada.

‘’Annaga waxaan rabnaa in guddiga la magacaabayo uu noqdo mid aan dano gaar ah u adeegi doonin, laakiin loo baahan yahay in uu noqdo guddi u adeegaya danaha Koonfur Galbeed, haweenku-na waa ay qeyb ku lahaadaan’’ ayuu yiri Mukhtaar Rooboow oo dhinaca kale sheegay in uu jiro dib u dhac ku yimid magacaabista guddiga.

Wasaarradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa Mukhtaar Roobow ka mamnuucday doorashada Koofur Galbeed, oo horay darajo sare uga soo qabtay Al-shabaab kana mid ahaa aas-aasayaashii Ururka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]