4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2018
Madaxweyne Waare oo ka hadlay shirka dowlad gobolleedyada

 

Arbaco, October, 10, 2018 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uusan qeyb ka aheyn shirar u dhaxeeyay maalmihii lasoo dhaafay Madaxda maamul goboleedyadda.

Waare ayaa sheegay in Hirshabeelle aysan ka qeyb galin shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeesheen madaxda maamulada ee looga soo horjeeday dowlada dhexe Soomaaliya,kuwaasoo ka dhacay magaalada Nairobi.

“Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada wuxuu ka kooban yahay shan maamul, haddii talo afar gooni u gaarto Golaha Iskaashiga ma ahan, annaga sharciyada iyo jadwalka noo yaalo iyo wax aan ku balanay waa in aan dhammaanteen wax isku raacno”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in nasiib darro ay mowqifkooda ka gedi waayeen Golaha Iskaashiga, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay ku raaci waayaan, balse aanay xaq u laheyn inay go’aan ka maqan tahay Hirshabeelle.

Waxaa uu soo hadal qaaday shirka ka dhacay Nairobi oo uu xusay in aanay matalaad ku laheyn Hirshabeelle, isla markaana aanay ka warqabin waxa lagu wado magaca Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Waare ayaa bishii hore ee September ku dhawaaqay in uu heshiis iskii ah la gaaray dowladda dhexe, waxaana muuqata in hadda ay kala weecdeen isaga iyo madaxda dowlad gobolleedyada kale ee dalka ka dhisan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]