4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2018
Shirka Siyaasadda loo Dhanyahay oo Looga Hadlay Dawlad-wanaagga Iyo Doorashooyinka 2020


Isniin, October, 01, 2018 (HOL)-  Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka ah ee  Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen beesha caalamka.

Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

"Dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah …waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaari karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka." ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Gabagabadii,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]