Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Labo Qarax oo is
xig xigay ayaa dilay ku dhawaad 20 ruux magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotelka
Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta Danbi- barista CIDA-da.
Wax ka yar 20 daqiiqo kaddib sidoo kale isla
goobta waxaa ka dhacay Qaraxii saddexaad sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
‘’Dadka dhintay waxey u badnaayeen dad rayid ah
oo la socday gaadiidka dadweynaha oo markaa waddada marayay, ‘’ sidaa waxaa
yiri Ali Nur oo u hadlay Booliiska Soomaaliya.
Wariyayaal tagay goobta ayaa sheegay in ay arkeen
meydadka ilaa 20 ruux, la socday gaadiid kala duwan oo goobta marayay, sidoo
kale waxaa jiray dhaawacyo ay qaadeen shaqaalaha gargaarka deg dega ah.
Sarkaal u hadlay Booliiska ayaa sheegay in
bartilmaameedka Qaraxan uu ahaa hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta Dabi –baarita.
Hotelka Saxafi ayaa wax badan ka fogeyn Isgoyska
Zoobe oo 14kii bishii October ee sanadkii hore 2017da uu ka dhacay Qarax galaaftay
nolasha dad ka badan 600 oo ruux.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]