Sawirro : Ethiopian Airlines oo dulimaad toos ah ka bilaawday magaalada Muqdisho
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Dayaaradda
Ethiopian Airlines oo maanta Jimco ah duullimeedkeedii ugu horeysay ka
bilaawday muddo ka badan 40 sano kaddib magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday
ilaa 50 qof oo rakaab ah.
Dayaaraddan oo nooceedu ahaa Boeign 737 ayaa la
sheegay in dullimaadkeedii Addis Ababa- Muqdisho ku sameysay wax ka yar laba
saacadood, waxaana kabtanka diyaarada
ama duuliyuhu aheyd qof dumar.
Qunsulka koowaad ee safaarada Soomaaliya ee Addis
Ababa Cabdullahi Maxamed Warfaa oo ka mid ah rakaabkii la socday diyaarada ayaa
yiri Ganacsiyada labada dal ayuu duullimaadkan sahlayaa, waxaana mar dhow
bilaaban doona duullimaadyada qaada xamuulka, waana guul u soo hoyatay
ganacsatada Soomaaliyeed"
Munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayay
diyaaradaha oo ka dhacday garoonka Aadan Cadde waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin
ka tirsan dowladda oo uu ka mid ahaa Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya
Cabdullaahi Maxamed Salaad Oomaar.
Wax yaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ahaa in
xitaa gudaha diyaaradaha intii ay hawada ku soo jirtay lagu dhigay xaflad
kooban oo loogu dabaal-dagayay bilowga
dullimaadkan u dhaxeeya labada magaalo.
Waa diyaaradihii ugu weyneyd ee heer caalami ah
oo soo caga-dhigata Garoonka Aadan Cadde marka laga soo tago Turkish horay
dullimaad toos ah uga bilaawday Muqdisho
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]