4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Xabaale Wadareed laga helay xadka Gobolada Soomaalida iyo Oromia

 

Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Saraakiisha Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay ka heleen xabaalo wadareed ay ku aasan yihiin illaa labo boqol oo ruux meel ku dhow xadka Soomaalida Ethiopia iyo Oromia.

Waxaa hadda soconaya baaritaan la xiriira xabaale wadareedka la helay iyadoo Boqolaal kun oo ruux ay ku barakaceen sanadkii hore rabshado ka dhacay deeganadaas.

Warbaahin maxali ah ayaa sheegtay in xabaalahan la helay kadib markii baaritaano laga sameeyay gabood falo uu sameeyay Madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Ethiopia.

Arriamahan ayaa imanaya iyadoo madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihi wali ku socto danbiyo uu ka geystay dhulka ismaamulka Soomaalida intii uu madaxweynaha ka ahaa halkaa.

Ciidamada Liyu Boolis ayaa lagu eedeynayaa in ay dad badan ku dileen deegaanada u dhexeeya gobolka Soomaalida iyo Oromada waxaana ay si toos ah ugaga amar qaadanayeen Madaxweynihii hore.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qasbay in uu is casilo bishii August ee sanadkan waxaana la xirey toddobaadyo kadib markii banaanbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen magaalada Jigjiga.

Bishii la soo dhaafay ayaa wakaalada wararka ee Fana waxaa ay shaacisay in uu isku dayay Cabdi Maxamuud Cumar in uu ka baxsado xabsiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]