4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Duqa Muqdisho oo Bulshada Dayniile ku boggaadiyey dadaalladooda Nabadda iyo Is-dhexgalka

Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniile ku dhiirigeliyey dadaalladooda ku aaddan Nabadda iyo Is-dhexgalka.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Amniga Caasimadda ee soo hagaagaya uu ku yimid dadaalka iyo naf-huridda Ciidanka Amniga iyo garab-istaagga shacabka, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshadu in ay sii wadaan dadaalkooda si looga guuleysto cadowga mar walba u taagan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb-galayay isku-imaad lagu taageerayay barnaamijka Is-xilqaan iyo horumarrada dhinacyada Amniga iyo Dariseynta, ayaa ugu baaqay bulshada Dayniile in ay gacmahooda ku dhistaan degmadooda, maamulkiisuna uu garab taagan yahay.

“Shacabka Dayniile waa in ay u istaagaan horumarinta degmadooda, ma jiro qof kale oo inta bannaanka idiinka yimaada adeegga iyo horumarkaa u baahan tihiin idiin keenaya, waa idinka cidda laga sugayo wax walba oo Dayniile u baahan tahay”.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno, Guddoomiye ku-xigeennada Gobolka, qaar kamid ah maamullada Degmooyinka, Fannaaniin iyo qeybaha bulshada ee Degmada Dayniile.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]