3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2018
Dowladda Turkiga oo gacan ka geysaneysa dib u dhiska ciidamada badda

 

Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Dowladda Turkiga oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si dowladda ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hor-tago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar oo labada maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo isaga iyo wafdi uu horkacayo ayaa sheegay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada.

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar iyo wafdiga la socday booqashada ay Soomaaliya ku yimaadeen iyo sida ay u muujiyeen in ay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/9/2018 11:59 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Labo Qarax oo is xig xigay ayaa dilay ku dhawaad 20 ruux magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta Danbi- barista CIDA-da.

11/9/2018 8:52 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Qaraxyo waaweyn iyo rasaas is xig xigta ayaa laga maqlay magaaalada Muqdisho iyadoo qaraxa ugu weyn uu ka dhacay dhismaha hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta danbi-baarista CID-da ee KM4 magaalada Muqdisho.

11/9/2018 6:57 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Dayaaradda Ethiopian Airlines oo maanta Jimco ah duullimeedkeedii ugu horeysay ka bilaawday muddo ka badan 40 sano kaddib magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday ilaa 50 qof oo rakaab ah.

11/9/2018 6:45 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Saraakiisha Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay ka heleen xabaalo wadareed ay ku aasan yihiin illaa labo boqol oo ruux meel ku dhow xadka Soomaalida Ethiopia iyo Oromia.

11/9/2018 3:13 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dalka Eritrea ,Isaias Afwerki ayaa goor dhow gaaray magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar.

11/9/2018 2:51 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniile ku dhiirigeliyey dadaalladooda ku aaddan Nabadda iyo Is-dhexgalka.

11/9/2018 2:46 AM EST
Jimco, November, 09, 2018 (HOL)– Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya .Cabdulahi Goodax Barre ayaa khamiistii shalay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay madax ka tirsan UNICEF.