4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2018
Madaxweyne Waare oo ka tacsiyeeyay dilka xildhibaan ka tirsanaa Hirshabeelle

 

Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay Qarax miino oo magaalada Muqdisho maanta lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamed Ibraahim.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Waxaa uu marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u Naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Lagu aas aasay Hirshabelle isagoo door muuqda ku lahaa dhisida iyo horumarinta dowladda Hirshabeelle,ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada maamulka Hir-Shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]