4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2018
Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo dhaliillo usoo jeediyey xukuumadda Somaliland

 

Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)– Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Khaddar Xuseen Cabdi ayaa ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta dagaal beeloodyada soo noqnoqda oo uu ku tilmaamay masiibo qaran.

Sidoo kale waxa uu tusaale usoo qaatay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Dhumey ee gobolka Sool oo uu sheegay inay ku dhinteen dad ka badan boqol iyo lixdan qof oo uu sheegay in hadii celcelis ahaan loo qaybiyo bishii uu dagaal beeloodyada ku dhintaan shan iyo toban qof.

“Madaxweyne Muuse Bixi wuxuu madaxweynahaa ahaa 327 maalmood, hadii hal dhacdo soo qaadano reeraha isku dhacay iyo dadka inagaga dhintay boqol iyo lixdan qof way ka badan yihiin hadii aad xisaabiso bil kasta celcelis ahaan 15 qof baa khilaaf dagaal inagaga dhimanayey, arrintaasi waa masiibo qaran”.

Mar kale waxa uu ka hadlay dheeli tir la’aanta hay’adihii dalka oo uu sheegay inay la safteen dhinicii xukuumadda, waxaanu yidhi “ cadaaladii dalku waxay ku jirtaa gacanta madaxweynaha, hay’adihii ay ahayd inay fulinta ka madax banaanaadaan ayaa dhinac wada noqday”.

Xoghaye KHadar Xuseen waxa kale oo uu dhaliilay shir ay soo qabanqaabisay wasaarada arrimaha dibadda oo lagaga hadlayey caqabadihii ka hor yimid wasaaradda oo aqoonyahano faro badani ka soo qaybgaleen, waxaanu yidhi “shir bay qabteen wasaarada arrimaha dibadda oo ay ku eegayeen carqaladaha ka haysta Somaliland inay hesho Ictiraaf, boqol kun oo doolar baa ku baxday, waxa ka soo baxay war murtiyeedkaasi lixda qodob ee ugu horeeya waxa uu ka hadlayaa madaxweynaha ka soo qaybgalay, madaxweynaha furey iyo xisbiyadda ka soo qaybgalay” .

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.