4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

 

Khamiis, November, 08, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee dowladda.

Kulanka labada mas’uul ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay uu jahwareer siyaasadeed ka jiray doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, dhinaca kalana maalintii shalay Shariif Xassan Sheekh Aadan uu ku dhawaaqay is casilaadiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]