4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
124 ruux oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya oo galabta soo gaaray Muqdisho


Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho ku soo dhaweyay galinkii dambe ee Arbacada maanta 124 ruux oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya.

Qaar ka mid ah dhallinyaradda muddada dheer ku xiranaa xabsiyadda Liibaya ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya u gashay in laga soo saaro xabsiyada ay ku xirnaayeen ee dalka Liibiya.

Ergeyga gaarka ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga Tahriibka iyo Xuquuqda Carruurta ,Marwo Maryan Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahad celisay sida dawladda Soomaaliya ay xil isaga saartay soo deynta dhallinyaradaasi.

Gabagabadii,wasiirka Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kamid ahaa Madaxdii soo dhaweysay Maxaabiista laga keenay Liibiya ay sheegay in dhalinyaradda looga baahanyahay in ay ka shaqeeyeen Horumarinta dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]