4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
Afhayeenkii golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo is casilay

Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya,Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa xilka goor dhow iska casilay,sida ay ku warrantay warbaahinata gudaha.

Cabdullaahi Sheekh , oo sidoo kale ah wasiirka Dastuurka Koofurgalbeed ayaa iscasilaadiisa sheegay inay ka dambeysay markii uu xilka madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed iska casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa guddoomiyaha golaha iskaashiga maamul-gobolleedyada, waxaa kalo u shaaciyay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Koonfurgalbeed.

Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa horay u magacaabay afhayeenka golaha, waxaana golaha oo lagu dhisey dhammaan hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada oo shan ah hadda ku soo haray kaliya saddex hoggaamiye gobolleed oo kala ah madaxweynayaasha Jubbaland,Galmudug iyo Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]