4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo war ka soo saaray doorashada Koonfurgalbeed

Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday qeybaha kala duwan ee siyaasada Koofurgalbeed in ay xaqiijiyaan sidii loogu qaban lahaa doorashada iyadoo la raacayo shuruucda lagu heshiiyay,sida ku cad warsaxaafadeed uu baahisay xafiiska howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay  ee UNSOM.

"Iyadoo doorashadan ay tahay tii ugu horeysay doorashooyin taxane ah oo lagu qabanayo dalka oo dhan – heer gobol sannadka soo socda iyo heer qaran sannadka 2020 – waxaa jirta baahi dhab ah oo loo qabo in hab lagu daydo loo dejiyo geedi-socodyo doorasho lagu kalsoonaan karo oo nabdoon,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Waxaan garwaaqsanahay in saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay muujiyeen rajo iyo walaacyo kuwan la mid ah bishii Nofembar 2016 intii lagu guda jiray doorashooyinkii baarlamaanka federaalka dalka, markaas oo ay ugu baaqeen dhammaan dadka ay hawshu khuseysay inay ka wada-shaqeeyaan si loo xaqiijiyo natiijooyin wanaagsan.”

Nicholas Haysom ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in iyadoo lala kaashanayo oday hogaamiyaasha dhaqanka in xal loo helo iyadoo la wadahadlayo sidii doorashadu ay u qabsoomi lahayd si nabad ah.
Baarlamaanka Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 17ka bishan ay doortaan Madaxweyne halka doorashooyin la mid ahna ay ka dhici doonaan  Puntland iyo Jubaland sanadka 2019.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]