4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
Golaha Guurtida Somaliland oo soo jeediyey in khilaafyada culimada aan la faro-galin

 

Arbaco, November, 07, 2018 (HOL)– Guddida culimadda ee wanaagfarista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa khilaaf soo kala dhexgallay, haseyeeshee ilaa hada aanay jirin cid arrintooda xaliso.

Golaha Guurtidda Somaliland ayaa soo jeediyey in ay ka doodaan oo xaliyaan khilaafka ka jira guddida culmada ah ee Wanaag farista, haseyeeshee gudoomiyaha golaha Guurtida ayaa sheegay in khilaafka culimada ay adag tahay in la xaliyo ee loo daayo inay iyagu is afgartaan oo xalistaan murankoodda.

Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in aanu golahoodu ka doodin muranka iyo qaybsanaanta ka jirta culimada oo madaxweyneyaashii soo maray Somaliland mid walba ka maagay in uu dhex gallo, waxaanu soo jeediyey in iyaga loo daayo inay dhamaystaan.

“Arrintan aad leedihiin ha laga doodo, waar culimadu way qaybsan tahay , culimadii iyagii baa is haya oo doodaya, horta iyagu meel wax ha isla dhigeen, waligeedba arintaasi culimadu way taagnay oo madaxweyne Cigaal baa ka cararay, oo Daahir Rayaale ka cararay, oo Siilaanya ka aamusay. Horta iyagu ha soo dhamaystaan oo aynu u dayno”ayuu yidhi gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Gudoomiyaha guurtida ayaa sheegay in khilaafyada diintu adag tahay in la xaliyo, isla markaana culimadu arrimo badan isku hayaan, sidaas darteed uu goluhu ka gaabsanayo inuu farogaliyo arrimaha dhextooda yaalla.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.