4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 7 , 2018
Soomaalida Minnesota & Guulahii ay ka gareen Doorashooyinkii shalay dhacay

Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) Doorashadii la sugaayey ee xiliga dhaxe dalkaan Maraykanka ayaa soo gabagabooday , waxaa guulaystay 4 qof oo Soomaali ah oo ku soo baxay doorashadii,

Ilhaan Omar waxay noqonaysaa gabartii ugu horeeysay oo Qoxootinimo ku timaada dalkaan oo ka mid noqota Xildhibaanimada  aqalka hoose ee Congress-ka Maraykanka.

Hodan Xasan  & Maxamud Nuur ayaa iyaguna ka mid noqonaya Xildhibaanadda aqalka hoose ee gobolka Minnesota ,Siyad Cali oo isaguna mar labaad loo doortay gudiga  Waxbarashadda Minneapolis.

Doorashadii aad ka loo daneenaayey ayaa aheed tan Xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota oo uu u tartamaayey Keith Ellison oo ahaa ninkii muslimka ahaa ee ugu horeeyey ee ka mid noqda aqalka Congresska Maraykanka , waxayna dadka Minnesota qaasatan Soomaalida u aheed  guul la mida tan ilhaan , waayo waxaa la tartamaayey  Doug Wardlow oo la sheegay in uu ahaa nin la siyaasad ah Madaxwayne Trump iyadoo dadka Soomaaliyeed ee Minnesota dagana badidood codkooda ugu hiiliyeen Keith Ellison .

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]