Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) – Saacadaha soo
socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi uu horkacayo Wasiirka
Difaaca dalka Turkiga, waxaana soconaya qaba-qaabada soo dhaweynta wafdiga.
Wafdigan waxaa kamid ah taliyaha ciidamada xoogga
dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.
Wasiirka Difaaca dalka Turkiga iyo
Saraakiil ka tirsan dowladda dalkaasi ayaa maanta kusoo wajahan magaalada
Muqdisho, waxaana socda soo dhaweynta mas’uuliyiinta dowladda Turkiga.
Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga
Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.
Wasiirka ayaa la kulmi doona madaxda ugu sareysa
Soomaaliya, gaar ahaan dhiggiisa wasaarradda difaaca ee Soomaaliya, iyagoona ka
wada hadli doonaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha
amniga Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka
qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka
dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo
ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex
mara heshiisyo iskaashi ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]