4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2018
Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Koonfur Galbeed

 

Arbaco, November, 07, 2018 (HOL) –Xaalad cakirnaan siyaasadeed ah ayaa ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, saacadihii ugu danbeeyay-na waxaa halkaa ka soconayay kulamo siyaasadeed oo looga arinsanayo khilaafka ka dhashay doorashada madaxtinimada ee loo ballansanaa 17ka bishan.

Maalin ka hor waxaa is casilay kala bar guddiggii doorashada maamulka Koonfur Galbeed kuwaa oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in ay ka socon weyday doorashadii Koonfur Galbeed, laakiin guddiggu arintaan iskuma raacsana oo waxaa jira qaar kale oo ka soo horjeeda eedeyntaas iyo in dib loo dhiggo doorashada.

Hadda waxaa soo baxaya cadaadis lagu hayo guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhu-naa oo laga dalbaday in uu si deg deg ah u soo dhameystiro guddiga doorashada si horay loogu sii wado hannaankii doorashada.

Odayaasha Koonfur Galbeed laftirkooda iskuma waafaqsana xiisada siyaasadeed oo qaarkood ayaa qaba in doorashadu waqtiggeeda ku dhacdo, halka kuwa kalana ka soo horjeedaa.

Wasaarradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa qoraal shalay ka soo baxay lagu sheegay in aan doorashada dib loogu dhiggi karin waqtiggii loogu talagalay 17ka bishan, waxaana ay wasaarraddu ugu baaqday mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed in la ilaaliyo hannaanka iyo sharcida habsami u socodka diyaarinta jadwalka doorashada.

Shariif Xassan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed wali kama uusan hadal arrimahan dhacaya, laakiin bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa ku eedeynaya in uu yahay maskaxda ka danbeysa is casilaada guddigga doorashada, marar badan oo horena waxaa uu dowladda dhexe u jeediyay eedeyn ah in ay faragalin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed.

Lama oga halka looga dhaqaaqi doono xaaladan imika taagan madaama 10 cisho uun ka harsan tahay waqtiga loo qabtay in ay doorashadu ku dhacdo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]