4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay madaxda hay'adda DFID

Talaado, November, 06, 2018 (HOL)– Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho  kulan kula qaatay, madaxa waaxda Horumarinta Caalamiga ah (DFID)  ee UK u qaabilsan Soomaaliya Mr Phil Evans.

Labada dhinac  ayaa  ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa  xiriirka ka dhexeeya hay’adda DFID iyo wasaaradda waxbarashada, gaar ahaan tageerada waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay  in madaxa DFID  uu  sharaxaad ka siiyay  guulaha laga gaaray qorshaha mideynta manhajka, shahaadooyinka iyo imtixaanaadka.

Mr Dhil  ayaa tilmaamay in dowladdiisa iyo hay’adda uu madaxda ka yahay ay ka go’an tahay sidii loo kordhin lahaa tageerada waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada iyo madaxda hay’adda DFID ayaa isku afgartay in la sii xoojiyo iskaashiga, isla markaana farsamo yaqaanada wasaarada iyo DFID ay u kulmi lahaayeen sidii ay hawlaha iyo qorshayaasha ka dhexeeya uga midho dhalin lahayeen.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre  ayaa sheegay in wasaaradda ay  ka go’an tahay  tayeynta waxbarashada dalka iyo kor u qaadida tababarada macalimiinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]