4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Guddiga maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya iyo Bankiga adduunka oo ka wada-hadlay hormarinta dhaqaalaha

Talaado, November, 06, 2018 (HOL)–   Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank).Xubnihii ka socday World Bank ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsaneyd fursadaha dhaqaale ee adduunka ka jira iyo sida Soomaaliya loogu faa’iideyn karo.

Waxa ay soo bandhigeen barnaamijyada la xiriira hormarinta dhaqaalaha oo ay ka wadaan Soomaaliya, isbadalada dhaqaalaha ee sanadihii la soo dhaafay iyo fursadaha hadda bannaan.

"Soomaaliya waxa ay ku socotaa wado wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah, waxa soo jeedineynaa hadaan nahay World Bank in laga faa’iideysto fursaha banaan oo wax badan oo dadaal ah la sameeyo, anaguna mar walbo wa idiin garab taaganahay”. ayuu yiri Hugh Riddell oo ka socday Bankiga aduunka.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa dhankooda la wadaagay shaqooyinka ay qabteen iyo howlaha uu guddigooda u xil saaran yahay,iyagoo la wadaagey waxyaabaha uu golaha shacabka u baahan yahay.

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka,Cali Cabdi Cismaan ayaa sheegay in bankiga adduunka wax badan ay ka taageerri doonaan golaha shacabka.

"Xubnaha ka socday Bankiga aduunka wax badan ayaa maanta kawada hadalnay, waxan ka codsanay iney mar walbo noo soo gudbiyaan warbixinada muhiimka ah si aanula jaanqaadno caalamka dhaqaalaha dalkana uu usii hormaro, waxay noo balan qaadeen iney wax badan naga caawin doonaan.' ayuu yiri guddoomiye Cali.

Bangiga adduunka ayaa hay'adaha dowladda Soomaaliya siiya taageerro dhinacyo kala duwan leh.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]