4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Musharax Maxamuud Khaliif oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo


Talaado, November, 06, 2018 (HOL)– Musharraxa xilka Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye , ayaa Talaadada maanta ah soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Boqollaal dadwayne ah oo ruxayey calammo iyo caleemo qoyan, ayaa musharraxa iyo wafdigiisa kaga hortegey dulleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, waxaana musharraxu mid mid u gacan qaaday dhammaan dadkii soo dhowayntiisa usoo baxay.

"Gaalkacyo ku soo dhawoow , gobolka Mudug ku soo dhawoow ,odayaal rag iyo dhallinyaraba waa nakan... waxaan ku tuseynaa qulubtayadda iyo niyad samidayadda sida aan raalli kaga nahay." ayuu yiri nabadoon Cabdulcasiis Aw Yuusuf Maxamed (Xaarin) oo ka mid ah odayaasha gobolka Mudug.

Maxamuud Khaliif Xassan ayaa khudbad u jeediyey dadweynihii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ee  magaalada Gaalkacyo , ugu horrayn wuxuu uga mahadceliyey sida qiimaha badan ee ay usoo dhoweeyeen iyo waliba taageerada baaxadda leh ee ay u muujiyeen musharaxnimadiisa.

"Runtii waxaa aad ii taabatey sida wanagsan ee nabadoonnada,waxgaradka iyo bulshada Gaalkacyo ay halkan igu soo dhaweeyeen ..Gurigeygii inan imid ayaan dareemaya." ayuu yiri musharax Maxamuud Khaliif .

Musharraxa oo carrabka ku dhuftay sida uu gobolka Mudug muhiim ugu yahay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ayaa dhanka kale boggaadiyay nabadda magaalada Gaalkacyo ee labada dhinac, waxaa kalo uu shacabka Gaalkacyo ku ammaanay sida isku tashiga ah mashaariicda muhiimka ah ee ay ku dhisanayaan.

Gabagabadii, musharraxa ayaa sheegay inuu safar ku marayo dhammaan gobollada iyo deegaannada Puntland,waxa uu socdaalka ku tilmaamay mid uu ku doonayo inuu ku ogaado guri guri xaaladaha shacabka Puntland.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa inay magaalada Garoowe ka dhacdo horraanka bisha Jannaayo ee sanadka 2019-ka,iyadoo deegaannada ay mar hore ka bilowdeen ololaha dooarshada ee musharixiinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]