4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Dowladda Soomaaliya : Waan ka xunnahay dhacdadii dadka lagu laayay ee degmada Huriwaa

 

Talaado, November, 06, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysa war ka soo saartay toogasho subaxnimadii hore ee saakay ciidamada AMISOM ay geysteen magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayeen ciidamadda AMISOM ee saakay ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, 

Dowladda ayaa sheegtay in ay waddo baaritaannno la xiriira sida ay dadka ku dhinteen, wixii baaritaanka ka soo baxana la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka Al-shabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.

Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta,iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]