Talaado, November, 06, 2018 (HOL) - Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu eedeeyay in subaxnimadii hore ee saakay si bareer ah ugu toogteen xaafadda SOS ee degmada Huriwaa Afar ruux oo rayid ah.
Ehelada dadkan dhintay ayaa sheegay in ciidamada AMISOM qabteen afartan ruux oo ahaa wadayaal gaadiid oo waqtigaa ku sugnaa Garaash aan ka fogeyn goob qarax miino lagula eegtay kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM, iyaga oo intaa kaddib toogasho ku dilay afarta ruux.
Qaar ka mid ah ehelada dadka la dilay ayaa Isbitaal Madiina ku soo
bandhigay meydadka afar ah waxayna sheegeen in aan la aasi doonin ilaa
iyo inta dadkii dambeeyay falkaasi cadaalada la horkeeno.
Eheladan ayaa waxa ay ka dalbadeen dowladda inay waxka qabato falkii
saaka lagu dilay afar ruux oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Magac-yada afarta ruux ee la dilay ayaa lagu kala sheegay Qaasim Daahir Kheyre,Xasan Yuusuf Siyaad,Cali Shire Ugaas iyo Axmed Maxamuud Baseey kuwaa oo ahaa darawalo u yimid garaash gaadiidka lagu xareeyo oo ku yaal Ex-koontorool Balcad.
Dhinaca kale saraakiisha AMISOM oo ay warbaahintu xiriir la sameysay ayaa sheegay in eedeynta loo soo jeediyay ciidamadoodu tahay mid culus hasse ahaatee war ka soo saari doonaan kaddib marka ay helaan xog intaa ka badan oo ku aadan sida ay wax u dhaceen.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]