4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Xukunno kala duwan oo lagu riday askar ka tirsanayd ciidamada Jubbaland
 
Talaado, November, 06, 2016 (HOL)-Askastan oo tiro ahaan gaarayay ilaa 13 ayaa ku eedeeysnaa in ay magaalada Kismaayo ka geeysteen falal amni darro, waxaana maxkamaddu ay maanta u fariisatay dhageeysigii labaad ee dambiyaha lagu eedeeyay askarta ka tirsanaa cidamada Jubbaland.

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Max’uud Xareed ayaa dhageysiga eedeeymaha raggan loo heysto kadib ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda.

Mid kamid ah 13-ka nin ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho, kadib markii ay makamaddu sheegtay in uu si bareer ah u toogtay Nabadoon katirsanaa dhaqanka Jubbaland oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Xasan Goolow.

Sedex kale oo ka tirsanaa raggan ayay maxkamaddu ku riday min sedex sano oo xarig ah, sidoo kale 7 kamid ah ayaa lagu xukumay min 2 sano oo xarig ah, halka ay Maxkamaddu sii deeysay laba kamid ah raggan oo ay sheegtay in wax danbi ah lagu waayay.

G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo ah garsooraha koobaad maxkamadda ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda.

Dabayaaqadii bishii October ee sanadkan ayay ahayd markii israsaaseyn kadib ay ciidamada ammanka Jubbaland gacanta kusoo dhigeen 11 kamid ah raggan oo isku urursaday mid kamid ah xaafadaha Kismaayo kadib markii mid kamid ah raggan eedeeysaneyaasha ah uu toogasho ku dilay nabadoon kamid ahaa odoyaal dhaqameedyo xal u raadinayay waxyaalaha ay askartani ka cabanayeen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.