4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada oo war ka soo saaray doorashada Koonfur Galbeed

 

Talaado, November, 06, 2018 (HOL) -Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kulul u cambaareeyay faragelin lagu haayo doorashada Koofur Galbeed, iyagoo soo dhoweeyay go’aankii xubno ka mid ah Guddiga doorashada Koofur Galbeed isku casileen.

Qoraal ka soo baxay War ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in Golaha ka digayo faragelin qaawan oo hoggaanka dowladda  Federaalka ku hayaan doorashada Koofur Galbeed.

Waxey sheegeen in illaa boqol Xildhibaan ku dhow oo ka tirsan  Koofur Galbeed lagu daabulay diyaarado, lana geeyay magaalada Muqdisho,  si loo siiyo lacago laaluush ah sida lagu yiri qoraalka.

Waxaa uu Golaha ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta faragelinta lagu haayo doorashada Koofur Galbeed.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]