4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
Wasiir ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday

 

Talaado, November, 06, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koofur Galbeed Abba Aawoow Suufi Caffan.

Xil ka qaadistan ayaa timid kaddib markii wasiirka oo dhinaca kalana ah xildhibaan ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed la arkayay isaga oo siweyn u dhaliilaya siyaasada madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa xilka looga qaaday wasiiru dowlaha, iyadoo sababaha xilka looga qaaday lagu sheegay anshax xumo iyo aflagaado ka baxsan hab maamuuska iyo sharafka Golaha Wasiirada Koofur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda u muuqda mid siweyn ugu kala qeybsan habka loo wajahayo doorashada madaxweyne ee maamulka ku soo foolka leh, taasoo keentay kala qeybsanaan weyn oo maamulka dhaxdiisa ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]