4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2018
Madasha Talo-Wadaag oo war ka soo saartay doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Puntland


Talaado, November, 06, 2018 (HOL)-Iyadoo uu soo ifbaxay khilaaf xoog leh oo ka dhashay doorashada maamulka Koonfur Galbeed, dhinaca kalana maamul Puntland uu isku diyaarinayo doorasho madaxwyne, ayaa arrimahan war ka soo saaray madasha Talo-Wadaag oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka.

  War-murtiyeedka ayaa u dhignaa sidan :

WARMURTIYEEDKA

Dood Qaran II: Doorashooyinka Dowalad Goboleedyada iyo Saameynta Siyaasadda Soomaaliya (Koofur Galbeed iyo Puntland)

(Muqdisho: 05-11-2018) Madasha Talo-Wadaag ayaa doodii qaran ee labaad oo ku saabsan “Doorashooyinka Dowalad Goboleedyada iyo Saameynta Siyaasadda Soomaaliya (Koofur Galbeed iyo Puntland)”, ku qabatay Paradise Hotel ee Magaalada Muqdisho.

Dooda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano Fedaraal, Golayaasha Maamul Goboleedyada, Gudoomiyaal Xisbiyo, Siyaasiyiin aan xil hayn,  Dhaqan,  Culimaa-u-diin], Haween, Dhalinyaro, Ganacsato, Jaamacado iyo Xarumo Cilmi baaris.

Ugu horeeyn waxaa laga soo jeediyay dooda laba warqad Cilmi baaris oo ay soo kala jeediyeen Dr. Saadaq Eenoow oo ahaa Wasiirkii hore ee Caafimaadka Puntland iyo C/qaadir Nuur Caraale oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed. Iyaga oo si khibrad iyo waaya aragnimo leh oo cilmiyeeysan usoo jeediyey taariikhda doorashooyinkii hore ee ka dhacay labadaas Maamul Goboleed iyo mursharixiinta u taagan isbadal doonka oo raba in ay xilka hantaan meelna uga soo wada jeestaan madaxweynayaasha xilka haya ee tartamaya. Iyaga oo diirada saaray doorashooyinka Madaxweyne ee nagu soo fool leh 17 November 2018  ee Koofur Galbeed iyo 8 Janaayo 2019 ee Puntland, Shuruudaha laga rabo madaxweynayaasha, magacyada tartamayaasha, iyo miisaanka ay ku leeyihiin xildhibaanada. Warqadaha cilmiga ayaa tilmaamay in doorashooyinka dhacaya ay ka xiiso badan yihiin kuwii horay u dhacay, saameyn lixaad leh oo togan ama taban ay ku yeelan doonaan siyaasadda mustaqbalka soomaaliya iyo doorashooyinka 2020/2021.

Kasoo qeyb galayaasha ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib diirada  saaray  muhimadda ay leedahay in doorashooyin ka dhacaan Dowlad Goboleedyada dalka taas oo horumar u ah in xildhibaanada oo wakiil ka ah shacabka ay  doortaan, iyadoo farta lagu fiiqay fursadaha badan ee ku jira doorashooyinka oo ay ugu horeyso suurtagalnimada isbadal horseedi kara in laga gudbo mad-madowga iyo khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Dowladd Goboleedyada qaarkood gaar ahaan Koofur Galbeed iyo Puntland.

Dhanka kale waxaa la muujiyay in tirade musharixiinta ay korortay taasoo muujineysa muhimada Dowlad goboleedy-du ku sii yeelanayaan siyaasadda soomaaliya oo sii kordhaysa, adeegyada iyo matalaaduna ay gaarayso dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa laga dhawaajiyay muhimadda ay leedahay in doorashooyinka la daadajiyo ilaa heer tuulo oo is doorashada iyo mataalaadu aysan  noqon uun xildhibaanada iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, oo dalka laga hirgeliyo doorasho Dowlad Deegaaneed (City councils).

Gunaanadkii ka qeyb galayaasha Dooda Qaran ee labaad ee “Doorashooyinka Dowlad-Gobaleedyada iyo Saameynta Siyaasada Dalka” waxaa ka soo baxay talooyin iyo Baaq.

Talooyinka :

  • In la dhiirgeliyo doorashooyinka ka dhici doona Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Puntland, lagana wada shaqeeyo in ay u dhacaan si xor iyo xalaaal ah.
  • In Bulshada Rayidka, Xisbiyada Siyaasadeed ee diiwaan gashan in ay ka noqdaan korjoogayaal doorashooyinka Gobalada.
  • In Gudiga Doorashooyinka Qaran ka ciyaaran dowr weyn si loogu guuleysto habsami u socodka doorashooyinka, tababar iyo caawin siiyaan Gudiyada Barlamaanka ee daadihin doono doorashooyinka, mustaqablakana Gudiga Doorashooyinka Qaranku ay qabtaan doorashooyinka si ay u noqdaan guddi u dhaxeeya dhamaan Murshaxiinta.
  • In faragelin shisheeye iyo mid togan laga dhowro doorashooyinka Dowlad Goboleedyada ee ka bilawday dalka.
  • In Wasaaradda arrihama Guduhu ka qaadato waajibka ka saaran ilaalinta iyo fududeynta qabsoomida Doorashooyinka Dowlad Gobaleedyada.
  • In faragelinta Dowaladda Federaalka loo arko mid fayoow oo ah waajib dustuuri ah si loo hormariyo dimuquraadiyada iyo wadajirka loona ilaaliyo midnimada dalka.

Baaq                                                                           

  • In dhammaan murshaxiinta ay danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana shaqeeyaan sidii doorashada ay u noqon laheyd mid xor iyo xalaal ah, aqabalaana naatiijada doorashada.
  • In Shacabka Koofur Galbeed iyo Puntland ay ka shaqeeyaan sidii ay doorashada madaxweynayaasha u noqon laheyd mid u horseeda horumarka, bad-qabka shacabka, xoojisana midnimada Soomaaliya.
  • In labada murashax ee ku kala guleeysta  xilalka madaxweynayaasha ee Dowlad Gobaleedyada Koofur Galbeed iyo Puntland  ka shaqeeyaan hagaajinta xiriirka iyo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo guud ahaan midnimada iyo wadajirka Dadka iyo Dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]