4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2018
AMISOM oo Afar ruux ku dishay degmada Huriwaa

 

Talaado, November, 06, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya xaafadda SOS ee degmada Huriwaa ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM toogasho ku dileen Afar ruux oo rayid ah kaddib markii sida la sheegay subaxnimadii hore ee saakay qarax lala eegtay.

Qof Goojooge ah oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in afarta qof ee la dilay ahaayeen gaadiidley ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana uu intaa ku daray in meydkooda loo qaaday xarunta CID-da.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ciidamada AMISOM rasaas ay fureen ay ku dhintaan dad rayid ah, kaddib marka qarax lala eegto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]