Talaado, November, 06, 2018 (HOL)
– Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya
in uu khilaaf xoog leh uu soo kala dhaxgalay guddiggii doorashada madaxweynaha
maamulka Koonfur Galbeed kaddib markii ay shalay is casilee inta badan xubnihii
guddiga.
Cabdiwahaab Sheekh Mad Cabdkariin
oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashada ee is casilay ayaa sheegay in kaddib
markii ay arkeen faragalin sida uu hadalka u dhiggay lagu hayo doorashada,
islamarkaana xildhibaannadii Koonfur Galbeed leysugu geeyay Muqdisho goosteen
in ay shaqada isaga tagaan.
‘’Waxaa u aragnay in dhibaato ay
ka iman karto qaabka ay hadda doorashadu u socto, sidaa daraadeed ayaa nagu
qasabtay in aan ka baxno annaga iyo intii badneyd guddiga shaqadii naloo
idmaday’’ ayuu yiri Cabdiwahaab.
Dhinaca kale xildhibaan Mad Kariin
Maxamed Iftiin oo ka tirsan guddiga doorashada ayaa ka soo horjeestay is
casilaada ay sameeyeen xubnaha guddiga oo ay ku jiraan guddoomiyihii iyo
ku-xigeenkiisa, waxaana uu sheegay in is casilaadaasi waxba dib u dhac ah ku keeni doonin sida uu
hadalka u dhiggay waqtiggii doorashada.
‘’Shalay si nabad-galyo ah ayaa u
bilaawnay qabashada Araajida doorashada, musharixiin ayaa lacago laga qaaday,
kuwa kalana haddda ayeey ku balansan yihiin in Araajidooda la qabto, is
casilaadan waxaan u aragnaa mid arrimo kale ka danbeeyaan, ‘’ ayuu yiri Mahad
Kariin.
Khilaafkan cusub ayaa ka dhax
abuuri kara doorashada madaxweynaha maamula Koonfur Galbeed jahwareer
siyaasadeed iyo dib looga dhaco waqtiggii loo ballansanaa in doorashada lagu
qabto oo ku beegan 17ka bisha.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]