4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay Muqdisho isugu geysay xildhibaannadii Koonfur Galbeed

 

Isniin, November, 05, 2018 (HOL) – Shir jaraa’id oo ay goor dhaw ku qabteen magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay guddiggii doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayeey dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka socon weyday sida ay hadalka u dhigeen doorashadii maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnaha guddiga ee is casilay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay isku casileen tahay kaddib markii ay ogaadeen in dowladda federaalka Muqdisho isugu geysay dhamaan xildhibaannadii Koonfur Galbeed, sidaa daraadeed u arkeen in wax doorasho ah oo dhinaci kara waqtigan aysan jirin.

Mid walba oo ka mid ah guddiga ayaa ku sababeeyay is casilaadiisa in uu jawaab u waayay su’aalo uga imanayay musharixiinta madaxweyne, taasoo ay ka mid aheyd halka ay ku danbeeyeen xildhibaannada Koonfur Galbeed oo qorshuhu ahaa in musharixiintu khudbadahooda ka hor jeediyaan.

‘’Annaga waxeynu aheyn guddi doorasho oo loo idmaday in ay diyaariyaan sharciyada iyo jadwalka doorashadu dhici doonto, waxaan ogaanay in aysan jirin xildhibaanno ku sugan magaalada Baydhabo, waayo qofka musharax ah wuxuu doonayaa in uu khudbadiisa wax qabadka uu ka horjeediyo xildhibaannada, haddii ay meesha xildhibaanno joogin dadku kuraasta uma khudbeynayaan, waxaa u aragnay in aynu nahay guddiga ku dhax shaqeynaya garoon lagu dagaalamayo, sidaa daraadeed waxaa goosanay in aynu shaqada isaga tagno’’ ayeey isku raac-sanaayeen xubnihii ka hadlay shirka jaraa’id.

Mid ka mid ah guddiga doorashada ee is casilay ayaa sheegay in dowladda federaalka sida uu hadalka u dhigay xildhibaannaddii Koonfur Galbeed isugu geysay magaalada Muqdisho iyaga oo guri loogu xiray ayuu yiri musharax kaliya oo ay dowladdu wadato.

Is casilaada guddigii doorashada Koonfur Galbeed iyo eedeymaha soo baxaya ayaa muujinaya in uu dib u dhac ku iman karo waqtiggii loo balansanaa in ay doorashadu ku qabsoonto oo ku beegneyd 17kii bishan November.

Dowladda federaalka wali kama aysan jawaabin eedeymaha ay u soo jeediyeen guddigggii doorashada Koonfur Galbeed ee shaqada isaga tagay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]