4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Mukhtaar Roobow oo la siiyay shahaadada Musharaxnimo

Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur , oo ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ayaa noqday musharixii ugu horreeyay ee la siiyo Shahaadada musharaxnimo.

Roobow, ayaa iska diiwaangeliyay guddiga doorashooyinka,waxa uu guddiga sheegay in Mukhtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ee Musharaxnimo, sidaas darteed uu hadda yahay musharax rasmi ah.

"Waxaan ku faraxsanahay inan maanta is diiwaangeliyo,leyna siiyo shahaadada musharaxnimo." ayuu yiri Roobow oo u mahadceliyay guddiga doorashooyinkii Koonfurgalbeed.

Roobow, oo ka mid ahaa hoggaamiyayaasha sare ee ururka al-Shabaab ayaa dhawaan guddiga doorashooyinkii Koonfurgalbeed waxa uu u oggaaladay inuu tartami karo,markii bil ka hor wasaaradda amniga Federaalka ay ka mamnuucday inuu ka qaybgalo doorashada, waxa uu guddiga cuskaday inaysan jirin xayiraad caalami ah oo saaran oo u yahay muwaadin ka soo jeeda deegaannada Koofurgalbeed, isla markaana aanay jirin dambi loo heysto oo ay maxkamad xukuntay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]