3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo cambaareeyay qorshaha madaxweynaha cusub ee Brazil

 

Isniin, November, 05, 2018 (HOL) -Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa cambaareeyay qorshaha madaxweynaha cusub ee dalka Brazil Jair Bolsonaro uu safaarada dalkiisa ee Tel Aviv ugu rarayo magaalada Jerusalem.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in madaxwynuhu hoos u eego sharciyad, isaga oo ku xadgudbay xeerka caalamiga ah ee qaraarka Qaramada Midoobey, sida uu sheegay xoghayaha guud ee OIC Yousef Al-Othaimeen.

''Madaxweynaha cusub ee  Brazil waa in uu tixgaliyo qaraarrada caalamiga ah iyo xeerka Qaramada Midoobey, waxaana ku boorineynaa in uu dib uga laabto go'aankiisa'' ayuu yiri Yousef Al-Othaimeen.

OIC ayaa waxaa ku mideysan ilaa 57 dowladood oo dunida muslimka ah waana hay'ad weyn oo caalami ah marka laga soo tago Qaramada Midoobey.

 Jair Bolsonaro, madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Brazil ayaa sheegay in uu safaarada dalkiisa ee magaalada Tel Aviv u rarayo magaalada Jerusalem.

Jair Bolsonaro iyo Guatemala oo kaliya ayaa hadda safaaradahooda u raray magaalada Jerusalem iyadoo guud ahaan dowladdaha kale wali safaaradahoodu ku yaalaan magaalada Tel Aviv.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/5/2018 2:39 PM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) – Shir jaraa’id oo ay goor dhaw ku qabteen magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay guddiggii doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayeey dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka socon weyday sida ay hadalka u dhigeen doorashadii maamulka Koonfur Galbeed.

11/5/2018 12:35 PM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ku dhawaad 11 xubnood oo ay ka mid yihiin guddoomiyihii iyo ku-xigeenkii guddigga doorashada oo gabi ahaanba is casilay.

11/5/2018 11:08 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Xildhibaannada golaha shacabka oo maanta ku shiray xarunta golaha ayaa maalintii labaad akhrin marsiiyay sharciga hay'adda Naafada Qaranka.

11/5/2018 10:50 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed,Xildhibaan Carfo Ibraahin Aadan ayaa xilka goor dhow iska casilay,sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

11/5/2018 10:00 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL)-Deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag ayaa xalay lagu dilay hal qof oo shacab ah, isla markaan waxa baxsaday gacan ku dhiiglihii dilka gaystay.

11/5/2018 6:21 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,Nicholas Haysom iyo wafdi uu hoggaaminayo o uu waheliyo Ergeyga Midowga Afrika ,Francisco Madiera ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

11/5/2018 5:59 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur , oo ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ayaa noqday musharixii ugu horreeyay ee la siiyo Shahaadada musharaxnimo.

11/5/2018 5:42 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) -Waxaa goor dhaw ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasiirka Wasaarrada Tamarta iyo Biyaha xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Ibraahim Lafta-Gareen

11/5/2018 5:40 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa tabbabar uga furey magaalada Galkacayo 20 suxufi oo ka hawgala xarumaha kala duwan ee warbaahinta gobolka Mudug.

11/5/2018 5:04 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) - Siyaasiga Cali Xaaji Warsame ayaa magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay inuu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha Puntland doorashada dhacaysa horraanta bisha Jannaayo ee sannadka 2019.

11/5/2018 3:38 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) -Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ku xukuntay labo askari, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay horay u dileen askar kale.

11/5/2018 12:52 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) – Salah iyo Abdulla waa labada wiil ee uu dhalay Wariyihii lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudi Arabia magaalada Istanbul ayaa sheegay in wax kaliya oo ay hadda doonayaan tahay in ay helaan laguna soo wareejiyo meydka Aabahood Jamaal Khashoggi.

11/5/2018 12:26 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) – Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in maanta magaalada Geneva ay guddi Qaramada Midoobay ah hortiisa ku difaaci doonto heerkeeda xuquuqda aadanaha.

11/5/2018 12:10 AM EST
Isniin, November, 05, 2018 (HOL) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa lagu wadaa in ay maanta gaarayaan wafuud kala duwan oo ka kala socda Aqalka sare iyo beesha caalamka, waxaana halkaa ka furmaya kulamo looga hadlayo khalalaasihii ugu danbeeyay ee Galmudug.