4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 5 , 2018
Labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda oo xukun dil ah lagu riday

 

Isniin, November, 05, 2018 (HOL) -Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ku xukuntay labo askari, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay horay u dileen askar kale. 

Labada askari ee dilka lagu xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble oo lagu naaneyso (Oday Daalay) iyo C/risaaq Maxamed Jimcaale.

Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  ayaa loo heystaa in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Amniga, kaasoo 30-kii bishii 8aad ee sanadkan ku dilay Dugsiga Tababarka ee Jen. Shirbow ee degmada Shibis.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa fadhiga Maxkamadda hor keenay Afar markaati oo dhammaantood isku raacay in Maxamed  Xaashi  Waasuge uu si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed, kadib markii uu isku dayay in uu carqaladeeyo shaqo amni uu haayay Marxuumka, isla markaasna uu isku dayay in uu baxsado, balse ay ciidamada oo ka tir badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku  geystay looga qaaday.

Sidoo kale C/risaaq Maxamed Jimcaale ayaa isagana loo heystaa dilka askari ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Qeys Khaliif Salaad, waxaana dilka uu ka dhacay Xerada Laanta Buure ee Gobolka Shabeellaha Hoose 27-kii bishii 7aad ee sanadkan

Garsoorayaasha ayaa si wadajir ah ugu xukumay dil Maxamed  Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) iyo C/risaaq Maxamed Jimcaale,  kaddib markii ay ku qanceen cadeymaha labada kiis ee Maxkamadda la hor keenay sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Maxkamadda ayaa  ugu danbeyntii  fursad u siisay xukunsanayaashan inay dalban karaan racfaan, haddii  aysan ku qancin xukunka ay ku riday Maxkamadda Darajada Koowaad ee  ciidanka qalabka sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]