3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Madax ka qeyb-gashay daahfurka Saamiyada Shirkadda Isgaarsiinta Somtel


Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Waxaa maanta si rasmi ah looga daahfuray magaalada Muqdisho qaybtii KOWAAD ee saamiyada shirkadda isgaarsiinta ee SOMTEL, iyo ballaarinta adeegyada kale ee SOMTEl sida Internetka oo 3G iyo 4Gba leh iyo eDahab.

Waa markii u horreysey ee saamiyada shirkadda Somtel loo bandhigo ganacsatada iyo dadweynaha. Saamiyada maanta la daahfuray, waxa ay bar-bilow iyo astaanba u yihiin horumarinta adeegyada macmiilka ee ay horeba ugu caan baxday SOMTEL iyo shirkadaha kale ee Dahabshiil Group.

Waxa adeegyada Internetka oo xawaare sare leh uu gaari doonaa markii u horreysey goobo badan oo aan hore u heli jirin.

Sidoo kale, waxa ay heli doonaan adeegyada eDahab oo u fududayn doona fursado badan oo ku-adeegasho iyo maalgelinba leh.

Adeegyada casriga ee maanta la daahfuray waxa ay, guud ahaanba, macaamiisha iyo bulshadaba ka kaabi doonaan kobcinta dhaqaalaha ku kala socda moobillada iyo Internetka ee ‘eCommerce’.

Guddoomiyaha iyo Aasaasaha shirkadaha Dahabshiil, Maxamed Siciid Ducaale, oo xafladda daahfurka ka soo qayb galay, ayaa waxa uu yidhi: “Adeegyadan casriga ah ee maanta aynu daahfuraynaa waxa ay fursad halbowle ah siin doonaan macamiisha deegaankan ku dhaqan iyo kuwa ka baxsan ee aan fursaddan hore u helinba, iyada oo tiknoolajiyadda casriga ah ee xaawaraha sare ee Fibre Optic lagu soo kordhin doono dhowaan.

Sidoo kale, adeegyada eDahab iyo Baanka, oo lagu hagayo dhammaan shurucda maaliyadeed iyo maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba, waxa ay macmiilka u soo dhowayn doonaan adeegyo maalgelineed iyo fursado shaqo oo aan looga maarmi-karin hawl-maalmeedka shakhsiyadeed iyo kan ganacsiba”.

Waxa daahfurka maanta ka soo qayb galay Raiisal Wasaare Ku xigeenka dawladda Federaalka Somalia, Mahdi Guuleed Khadar, wasiirro, mudanayaal labada Gole ee baarlamaanka, ganacsato waaweyn, hay’adaha caalmiga ah iyo kuwa maxalliga ah, ururrada bulshada, oo ay ka mid yihiin kuwa dhaqanka, diinta iyo haweanka, iyo marti-sharaf kale oo aad u soo camiray madasha.

Dhammaanba madaxdii iyo marti-sharaftii halkaa ka hadashay waxa ay ka marag-fureen in adeegyada Shirkadaha Dahabshiil ku soo biiriyeen jawiga ganacsi fursado u sahlaya macmiilka inuu helo kala-doorasho adeeg iyo qiimo oo u dan ah, isla markaana koboca dhaqaale ee gobolka door libaax ka qaadan doonaan, iyada oo teknoolajiyaddii u dambeysay ee caalamka (State of art technology) la adeegsanayo, sida Fibre Optic’ga, oo mandaqadda Bariga iyo Geeska Afrikaba u ah fursad dahabi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
11/4/2018 4:58 PM EST
Axad, November 4 , 2018 (HOL)- Dagaal u dhaxeeya ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ayaa caawa ka dhacay jiida horre ee deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool,halkaas oo tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan ay isku horfadhiyeen ciidanka Puntland iyo Soomaaliland.

11/4/2018 12:09 PM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka sare ayaa waxa ay ka digeen in aan wax faragelin ah lagu sameynin doorashooyinka dhawaan kuso wajahan maamul goboleedyadda dalka qaarkood.

11/4/2018 11:15 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geel Xaaf iyo madaxa xukuumadda maamulkaas Axmed Shaakir Cali ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

11/4/2018 10:58 AM EST
Axad, November 04 , 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay kulan sannadeedka golaha wasiirada ee dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka oo looga tashanayo geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019.

11/4/2018 10:53 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefdi ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Haysom.

11/4/2018 10:49 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) - Madax-dhaqameed ku sugan koonfurta degmada Laascaanood ayaa ka dayriyey xaalada nololeed ee dadkii ka barakacay degaano dagaal sokeeye ku dhexmaray.

11/4/2018 5:34 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) -Wasiirkii hore ee Wasaarrada Amniga gudaha islamarkaana hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa jawaab ka bixyay hadal ka soo yeeray hay'adda NISA oo sheegtay in ay joojisay qandaraasyo ay horay u saxiixday Wasaarrada Waqtggii uu uu Wasiirka ka ahaa.

11/4/2018 2:21 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL)-Wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay magacaabista tiro beelka ah iyo isku badbadlka xilalka maamulka gobolka Hiiraan oo ay wasaarradiisu sameyso.

11/4/2018 1:18 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Hogaamiyaha mucaaradka dalka Gabon, Jean Ping, ayaa markale ku andacooday inuu ku guuleystay doorashooyinkii la qabtay sanadkii 2016ka, xilli Madaxweyne Cali Bongo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla dalka dibeddiisa.

11/4/2018 1:12 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in joojisay ama hakisaya Qandaraasyo Malaayiin Dollar ah ku baxay sanadihii la soo dhaafay, islamarkaana uu horay u saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

11/4/2018 1:01 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) –Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa loogu baaqay dadka degan dhulka Jaamacada Gaheyr in ay isaga guuraan.

11/4/2018 12:45 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) –Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Matteo Salvini, ayaa sharci ku aaddan xaddidda soo galootiga soo saaray dhawaantan.