4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Xaaf iyo Axmed Shaakir oo Gaalkacyo kula kulmaya ergeyga Qaramada Midoobay

Axad, November, 04, 2018 (HOL) –  Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geel Xaaf iyo madaxa xukuumadda maamulkaas Axmed Shaakir Cali ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ujeedka socdaalka ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro kulan ay magaalada Gaalkacyo kula qaadanayaan ergayga gaarka ah ee xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya Nicholas Haysom, kaddib markii loo diidday gaadiidka QM inay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug.

"Kulanka waxa uu ahaa inuu ka dhaco Dhuusamareeb,balse inay Cadaado soo dhaafan ayaa loo diiday gaadiidka Qaramada Midoobay." ayuu yiri sarkaal ka tirsan wafdiga maanta Gaalkacyo soo gaaray ee Galmudug.

Cadaado, waxaa ku sugan madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka,kuwaas oo u khilaaf kala dhaxeeyo madaxweyne Xaaf,iyadoo khilaafka uu ka dhashay xubnaha jooga Cadaado oo ay xildhibaanno waheliyaan inay doortan madaxweyne kale.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan kulamo la qaadanayay madaxda dowlad-gobolleedyada , inta badan kulamada waxaa diiradda lagu saarayay xal u helida khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada,isagoo booqday Kismaayo,Baydhabo ,Garoowe iyo maanta oo u tagey magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]