4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Madax dhaqameed baaq ka soo saaray dhibaato ka taagan koonfurta degmada Laascaanood

Axad, November, 04, 2018 (HOL) - Madax-dhaqameed ku sugan koonfurta degmada Laascaanood ayaa ka dayriyey xaalada nololeed ee dadkii ka barakacay degaano dagaal sokeeye ku dhexmaray.

Madax-dhaqameedkan oo ka kala yimi Garoowe, Laascaanood, Buuhoodle iyo Jigjiga ayaa waxay warsaxaafadeed ay ku qabteen halka lagu magcaabo Dhagaxya-isguro, oo 25Km. galbeed kaga aadan Laascaanood ay ku sheegeen in dhibaato bini'aadaminimo ka jirto degaanadii dadku u barakaceen.

"Waxaan aragnay dad dhiban oo xaalkoodu u baahan yahay in degdeg wax looga qabto" sidaana waxaa yidhi Islaan Ciise Islaan Maxmed, oo intaas ku daray in hawshii ay u yimaadeen meel fiican haatan marayso.

Sidoo kale Garaad Kulmiye Garaad Dool ayaa si weyn uga hadlay dhibka ka taagan degaanada loo barakacay waxaanu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay gurmad la soo gaadhaan, isagoo xusay in Madaxweynaha ismaamulka Somalida Itoobiya ay jawaab ka heleen.

Waxaa isna sidoo kale baaq kaas la mida diray Garaad Saleebaan Buraale oo sheegay in cid kasta oo gurmadka dadkan loogu gargaarayo.

Madax- dhaqameedkan oo todobaad ku sugnaa koonfurta degmada Laascaanood ayaa haatan kulan ogolaansho ah ka helay in nabadaynata labada beelood galaan.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool