4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Wasiirkii hore ee Amniga : Wuu jiray qandaraas aan saxiixay, laakiin waxaa soo diyaarisay Wasaarrada Maaliyada

 

Axad, November, 04, 2018 (HOL) -Wasiirkii hore ee Wasaarrada Amniga gudaha islamarkaana hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa jawaab ka bixyay hadal ka soo yeeray hay'adda NISA oo sheegtay in ay joojisay qandaraasyo ay horay u saxiixday Wasaarrada Waqtggii uu uu Wasiirka ka ahaa.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay qandaraaskaasi jiray, laakiin kaliya uu isagu lahaa saxiixay, balse diyaarintiisa iyo waliba soo bandhiggistiisa-ba laheyn sida uu hadalka u dhigay Wasaarrada Maaliyada.

''Qandaraaska ay ka hadlayaan horta waa raashinka ay qaadato NISA qandaraas lagu bixiyay, waqtiggaa aan Wasiirka ahaa waxaa soo diyaarisay Wasaarrada Maaliyada oo shirkaddaha u tartamay u soo bandhigtay, Annaga waxaan lahaa oo kaliya saxiixa, laakiin howsha inteeda kale oo dhan waxaa laheyd Wasaarradda Maaliyada, nidaamkii saxda ahaa ayuuna maray'' ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga.

Hadalka ka soo yeeray NISA ayuu ku sheegay kaliya in ujeedada laga leeyahay tahay in lagu sumcad dilo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, isaga oo yiri'' Waxaa rabaa sababta hadda arintan loogu soo beegay in ay Shacabka Soomaaliyeed fahamsiiyo, sababtu wax kale ma'aha waxaa la doonayaa oo kaliya in magaca -nalaga dilo, dadka la cabsi galiyo, gaar ahaan dadka siyaasiyiinta ah ee dowladda ka soo horjeeda, intaas waaye inta ka danbeysa hadalka NISA ee wax sharci darro lagu bixiyay ma jiraan'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hay'adda NISA ayuu ugu danbeyntii ku tilmaamay mid laga weeciyay sababihii markii horeba loo aas-aasay oo hadda loo isticmaalayo sida uu hadalka u dhigay cabsi galinta iyo in loogu cagajugleeyo ayuu yiri Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Hadalka Wasiirkii hore ee Amniga  ayaa imanaya kaddib Qoraal ka soo baxay  lagu sheegay in la joojiyay qandaraasyo uu horay u saxiixay oo ku kacaya lacago malaayiin dollar ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]