3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
NISA oo hakisay heshiis-yo uu horay u saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga xukuumadda Soomaaliya

 

Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in joojisay ama hakisaya Qandaraasyo Malaayiin Dollar ah ku baxay sanadihii la soo dhaafay, islamarkaana uu horay u saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Qoraal ka soo baxay taliska ayaa lagu shegay in qandaraasyadan la hakiyay ee ku saxiixan Wasiirkii hore ee Amniga loo gudbiyay Hanti-dhoorka guud ee Qaranka.

‘’Hay’adda Sirdoonka Qaranka waxey hakisayy una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA.

Hasse ahaatee warka ka soo baxay taliska Nabad-Sugida waxaa ka hor yimid oo ku tilmaamay dacaayad raqiis ah Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo intaa ku daray NISA ay hadda isku badashay sida uu hadalka u dhigay NSStii kaligitaliska.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin waxa ay ahaayeen qandraasiyadan iyo heshiisyadan la hakiyay oo ay horey u saxiixday Wasaarradda Amniga Gudaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/4/2018 4:58 PM EST
Axad, November 4 , 2018 (HOL)- Dagaal u dhaxeeya ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ayaa caawa ka dhacay jiida horre ee deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool,halkaas oo tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan ay isku horfadhiyeen ciidanka Puntland iyo Soomaaliland.

11/4/2018 12:09 PM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka sare ayaa waxa ay ka digeen in aan wax faragelin ah lagu sameynin doorashooyinka dhawaan kuso wajahan maamul goboleedyadda dalka qaarkood.

11/4/2018 11:52 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL)–Waxaa maanta si rasmi ah looga daahfuray magaalada Muqdisho qaybtii KOWAAD ee saamiyada shirkadda isgaarsiinta ee SOMTEL, iyo ballaarinta adeegyada kale ee SOMTEl sida Internetka oo 3G iyo 4Gba leh iyo eDahab.

11/4/2018 11:15 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geel Xaaf iyo madaxa xukuumadda maamulkaas Axmed Shaakir Cali ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

11/4/2018 10:58 AM EST
Axad, November 04 , 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay kulan sannadeedka golaha wasiirada ee dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka oo looga tashanayo geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019.

11/4/2018 10:53 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefdi ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Haysom.

11/4/2018 10:49 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) - Madax-dhaqameed ku sugan koonfurta degmada Laascaanood ayaa ka dayriyey xaalada nololeed ee dadkii ka barakacay degaano dagaal sokeeye ku dhexmaray.

11/4/2018 5:34 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) -Wasiirkii hore ee Wasaarrada Amniga gudaha islamarkaana hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa jawaab ka bixyay hadal ka soo yeeray hay'adda NISA oo sheegtay in ay joojisay qandaraasyo ay horay u saxiixday Wasaarrada Waqtggii uu uu Wasiirka ka ahaa.

11/4/2018 2:21 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL)-Wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay magacaabista tiro beelka ah iyo isku badbadlka xilalka maamulka gobolka Hiiraan oo ay wasaarradiisu sameyso.

11/4/2018 1:18 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Hogaamiyaha mucaaradka dalka Gabon, Jean Ping, ayaa markale ku andacooday inuu ku guuleystay doorashooyinkii la qabtay sanadkii 2016ka, xilli Madaxweyne Cali Bongo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla dalka dibeddiisa.

11/4/2018 1:01 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) –Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa loogu baaqay dadka degan dhulka Jaamacada Gaheyr in ay isaga guuraan.

11/4/2018 12:45 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) –Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Matteo Salvini, ayaa sharci ku aaddan xaddidda soo galootiga soo saaray dhawaantan.