4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Dadka degan dhulka Jaamacada Gaheyr oo loogu baaqay in ay ka guuraan

 

Axad, November, 04, 2018 (HOL) –Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa loogu baaqay dadka degan dhulka Jaamacada Gaheyr in ay isaga guuraan.

Dadkan ayaa loo qabtay in ay amarkan ku fuliyaan muddo labbo todobaad ah waxaana uu taliska Booliiska gobolka Banaadir ku amray in ay dhaqan galiyaan go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka, lagana saaro dadka halkaa degan.

Qoraalka ayaa lagu sheega in dhawaan xarunta Jaamacada Gaheyr lagu bilaabi doono dhismo si loo soo celiyo Jaamaacada isla mar ahaantaasna dhisida xaruntaani ay hormuud ka ahaan doonto wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale amar looga soo saaro dhulka Jaamacada Gaheyr, horay ayaa dhowr mar amar looguy in dadka dagay xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga guuraan balse ma uusan dhaqan gelin, balse maamulka gobolka Banaadir ayaa hadda ciidamada faray in ay banneeyaan kana saaraan dadka dhulkaasi degan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]