3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2018
Taliyaaniga oo soo saaraya sharci xaddidaya soo galootiga

 

Axad, November, 04, 2018 (HOL) –Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Matteo Salvini, ayaa sharci ku aaddan xaddidda soo galootiga soo saaray dhawaantan.

Bilihii ugu danbeeyay waxaa yaraaday dadkii soo galootiga ah ee imanayay dalka Talyaaniga, kadib markii dowladda dalkaasi ay ka hor istaagtay tiro doonyo ah oo sidey tahriibayaal doonayay inay dalkaasi soo galaan. Doonyahaasi qaarkoood ayaa waxa qaabilay dalalka Spain iyo Malta.

Sharcigan cusub ayaa soo galootigii hore u joogay Talyaaniga iyo midka cusub ee imanayaba si isku mid ah u saameynaya, Balse waxa la hakin karaa kaliya marka uu baarlamaanka dalkaasi uu diido, kaas oo heysta illaa iyo horraanta bisha Diseembar.

Taliyaaniga ayaa marin u sii ah muhaajiriinta ka taga inta badan dalal ay ka mid yihiin kuwa ku yaala Geeska Africa, kuwaa oo qasadkoodu yahay in ay uga sii talaabaan dhinaca kale ee dalalka Yurub, inkastoo ay jiraan tiro yar oo ku sii hakada dalkaasi Talyaaniga.

Dadka muhaajiriinta ah ayaa qatar weyn la kulma inta ay ku sii jiraan badda kuwaa oo marar badan ay soo badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha ee dalkaasi Talyaaniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
11/4/2018 4:58 PM EST
Axad, November 4 , 2018 (HOL)- Dagaal u dhaxeeya ciidanka Puntland iyo Soomaaliland ayaa caawa ka dhacay jiida horre ee deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool,halkaas oo tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan ay isku horfadhiyeen ciidanka Puntland iyo Soomaaliland.

11/4/2018 12:09 PM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Kaddib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka sare ayaa waxa ay ka digeen in aan wax faragelin ah lagu sameynin doorashooyinka dhawaan kuso wajahan maamul goboleedyadda dalka qaarkood.

11/4/2018 11:52 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL)–Waxaa maanta si rasmi ah looga daahfuray magaalada Muqdisho qaybtii KOWAAD ee saamiyada shirkadda isgaarsiinta ee SOMTEL, iyo ballaarinta adeegyada kale ee SOMTEl sida Internetka oo 3G iyo 4Gba leh iyo eDahab.

11/4/2018 11:15 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geel Xaaf iyo madaxa xukuumadda maamulkaas Axmed Shaakir Cali ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

11/4/2018 10:58 AM EST
Axad, November 04 , 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay kulan sannadeedka golaha wasiirada ee dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka oo looga tashanayo geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019.

11/4/2018 10:53 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefdi ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Haysom.

11/4/2018 10:49 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) - Madax-dhaqameed ku sugan koonfurta degmada Laascaanood ayaa ka dayriyey xaalada nololeed ee dadkii ka barakacay degaano dagaal sokeeye ku dhexmaray.

11/4/2018 5:34 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) -Wasiirkii hore ee Wasaarrada Amniga gudaha islamarkaana hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa jawaab ka bixyay hadal ka soo yeeray hay'adda NISA oo sheegtay in ay joojisay qandaraasyo ay horay u saxiixday Wasaarrada Waqtggii uu uu Wasiirka ka ahaa.

11/4/2018 2:21 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL)-Wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay magacaabista tiro beelka ah iyo isku badbadlka xilalka maamulka gobolka Hiiraan oo ay wasaarradiisu sameyso.

11/4/2018 1:18 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Hogaamiyaha mucaaradka dalka Gabon, Jean Ping, ayaa markale ku andacooday inuu ku guuleystay doorashooyinkii la qabtay sanadkii 2016ka, xilli Madaxweyne Cali Bongo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla dalka dibeddiisa.

11/4/2018 1:12 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) – Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in joojisay ama hakisaya Qandaraasyo Malaayiin Dollar ah ku baxay sanadihii la soo dhaafay, islamarkaana uu horay u saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

11/4/2018 1:01 AM EST
Axad, November, 04, 2018 (HOL) –Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa loogu baaqay dadka degan dhulka Jaamacada Gaheyr in ay isaga guuraan.