4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Ciidammo la wareegay garoonka diyaaradaha Garoowe oo dib uga laabtay

Sabti, November, 03, 2018 (HOL) -  Ciidammo hubaysan oo saacadihii hore ee Sabtida maanta la wareegay garoonka diyaaradaha Jen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ayaa hadda dib uga laabtay.

Howlaha garoonka ayaa si caadi ah ku bilowday,kaddib markii ciidanka la wareegay lagu qanciyay in la siin doono mushaar ka maqnaa oo ay ka cabanayeen iyo xuquuqdii dowladda ay ku lahaayeen.

Dadaal ay sameeyeen mas'uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa la sheegay inay ciidammada uga baxeen garoonka diyaaradaha,iyadoo lagu qanciyay inay dib ugu laabtan fariisimihii ay ka soo baxeen, sida ay warbaahinta gudaha ku warrantay.

Sarkaal ciidanka gadooday ka tirsan ayaa horay ugu sheegay HOL in ciidammada ay ka yimaadeen jiidda hore ee deegaanka Tukaraq, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidanka Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Gadoodka ciidammada Puntland oo ka cabanaya mushaar la'aan ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqday wax ku soo laablaabta Puntland, iyadoo siyaasiyiinta gobolka ay ku eedeynayaan xukuumadda inaysan jirin wax qorshe ah oo uga diyaarsan xuquuqda ciidanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]