4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Jawaari oo ka qaybgalay kulanka Baarlamaanka

Sabti, November, 03, 2018 (HOL) -  Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka qaybgalay kulanka golaha shacabka,markii ugu horreeysay tan iyo markii uu iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka lix bilood ka hor.

Xarunta golaha shacabka ayaa si kadis ah loogu arkay Jawaari oo ah xildhibaan, waxa uu fadhistay kuraasta xildhibaannada inta uusan ka hor iska xaadirin buugga diiwaangalinta.

Kulanka uu xaadiray Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa ah kulanka 21-aad ee kaldhiga afaarad.

Jawaari ayaa muddo toddobo sanno ah, waxa uu ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka,isagoo labo jeer oo isku xigta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka,balse cadaadis badan oo u la kulmay, waxa uu xilka iska casilay sagaalkii bishii April ee sanadkan 2018-ka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]