3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Ciidammo gadooday oo la wareegay garoonka diyaaradaha Garoowe

Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Ciidammo gadooday oo ka tirsan kuwa sida milatariga loo tabbabaro ee Daraawiishta ayaa maanta la wareegay garoonka diyaaradaha Jen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe,sida laga soo xigtay ilo ku dhow garoonka diyaaradaha.

Sarkaal ka tirsan ciidanka gadooday ayaa u sheegay HOL gadoodkooda inuu la xiriir mushaar la'aan iyo xuquuqdii ay dowladda ku lahaayeen oo aan muddo la siin, waxa uu inta ku daray ciidanka ku sugan garoonka diyaaradaha Jen Maxamed inay ka yimaadeen jiidda hore ee dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo tan iyo bishii koowaad ee Jannaayo ay isku horfadhiyeen ciidammada Puntland iyo Soomaaliland.

Ciidanka gadooday, waxaa hoggaaminaya sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Sumeysane , sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

Ilaa hadda ma jiro war ka soo baxay wasaaradda amniga Puntland iyo hay'adaha kale oo looga hadlay ciidanka gadooday ee mushaar ka maqan ka cabanaya.

Xilliga ay ciidanka gadooday la wareegeen garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaa fadhiyay dhowr diyaaradood oo ay ka mid tahay diyaar ay leedahay Qaramada Midoobay oo maanta Garoowe keentay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Ciidanka amniga Puntland ayaa inta badan gadood kula wareega goobo muhiim ah ,iyadoo bishii hore sidan oo kale ciidammo gadooday ay la wareegeen waddada madaxtooyada iyo wasaaradaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/3/2018 1:15 PM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) – Waxaa soo ifbaxay khilaaf aan horay-ba loo sii ogeyn oo soo kala dhax-galay Wasiirka Wasaarradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle iyo xisaabiyaha guud ee dowladda marwo Fartuun Cismaan Faarax oo eedeyn kulul u jeedisay Wasiirka.

11/3/2018 11:52 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) – Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in 7da bishan lagu qabto shir lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya dowlad gobolleedka Galmudug, kaa oo baaqday 30kii bishii ina dhaaftay.

11/3/2018 8:54 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ka qaybgallay xuska loo sameeyey sanad-guurada 25-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska oo sanad walba maanta oo kale loo dabaaldego.

11/3/2018 8:39 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Ciidammo hubaysan oo saacadihii hore ee Sabtida maanta la wareegay garoonka diyaaradaha Jen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ayaa hadda dib uga laabtay.

11/3/2018 8:09 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Xukuumadda Iiraan waxay sheegtay inay bilaawday in dalkeeda ay ku sameysato diyaaradaha dagaalka si ay adeegsadaan ciidammada militariga.

11/3/2018 8:02 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka qaybgalay kulanka golaha shacabka,markii ugu horreeysay tan iyo markii uu iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka lix bilood ka hor.

11/3/2018 7:25 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Nicholas Haysom oo ay waheliyaan saraakiil kale ayaa Sabtida maanta ah soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

11/3/2018 6:19 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) -Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka Al-shabaab ayaa hadda u muuqda in uu helay xaqa in uu u tarmi karo doorashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee bishan gudaheeda lagu wado in ay dhacdo.

11/3/2018 5:50 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa kulan ay maanta ku leeyihiin magaalada Muqdisho waxaa ay uga arinsan doonaan qodobo dhowr ah oo uu ka mid yahay mudeynta waqiga uu ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya hortagayo golaha.

11/3/2018 5:43 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Iyadoo guud ahaan deegaannada Puntland ay ka socdan olole doorasho, ayaa waxaa soo baxaya digniinno loo jeedinayo musharixiinta u taagan qabashada xilka hoggaanka dowlad gobolleedka Puntland.

11/3/2018 1:07 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa waxaa uu ku baaqay in la soo afjaro qulqulatooyinka ka soconaya dalka Yemen, iyo weliba in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada ka soconaya agagaarka goobaha muhiimka ah iyo weliba meelaha ay dadka badan ku nool yihiin.

11/3/2018 12:42 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) – Danjiraha gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan arrimaha qaxootiga Soomaaliya Amb Maxamed Cabdi Afeey oo ku sugan dalka Canada ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa uu ku joogo dalkaasi.

11/3/2018 12:22 AM EST
Sabti, November, 03, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horraysay waxaa uu Boqortooyada Sucuudiga si toos ah ugu eedeeyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji.