4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Mukhtaar Rooboow oo loo ogolaaday in uu u tartami karo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed

 

Sabti, November, 03, 2018 (HOL) -Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka Al-shabaab ayaa hadda u muuqda in uu helay xaqa in uu u tarmi karo doorashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee bishan gudaheeda lagu wado in ay dhacdo.

Mukhtaar Rooboow ayaa isaga tagay Ururka Al-shabaab 2012, isaga oo dowladda Soomaaliya ku soo biiray sanadkii tagay ee 2017da, isaga oo wixii waqtigaa ka danbeeyay siweyn ugu dhax milmay siyaasada maamulka Koonfur Galbeed, ilaa ugu danbeyntii uu isku soo taagay xilka doorashada madaxweynaha.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa Qoraal ay soo saartay uga mamnuucday Mukhtaar in uu u tartamo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Balse guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay sharuudaha laga doonayo musharixiinta madaxweyne ayaa u ogolaaday Mukhtaar in uu u tartami karo xilkan madaama ayeey sheegeen uu yahay muwaadin xaq u leh ka qeybgalka doorashada.

17ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorasho siweyn isha loogu wada hayo oo ay isku arki doonaan musharixiin dhowr ah oo siweyn isaga soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]