4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 3 , 2018
Danjire Afey : Canada waxaan ka codsanay in ay taageerto Qaxootiga Soomaaliyeed

 

Sabti, November, 03, 2018 (HOL) – Danjiraha gaarka ah ee hay’adda  UNHCR u qaabilsan arrimaha qaxootiga Soomaaliya Amb Maxamed Cabdi Afeey oo ku sugan dalka Canada ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa uu ku joogo dalkaasi.

Wuxuu sheegay in socdaalkiisa Canada uu ka mid yahay socdaal uu ku tagay qaar ka mid ah wadamada caalamka oo sida uu hadalka u dhigay uu ku ogaanay sida ay u nool yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in dowladda Canada uu gaar ahaan ka codsaday in ay gacan ku siiso hay’adda sidii loo caawin lahaa Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryahay Dhadhaab.

‘’Waxaan halkan [Canada] u imid in aan dowladda uga waramo xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhab iyo dowladda Canada gacan naga siiso sidii loo caawin lahaa qaxootigaa Soomaaliyeed oo ay heystaan dhibaatooyin la xiriira dhinaca nolasha, dhaqdhaqaaqa iyo xoriyada guud ahaan’’ ayuu yiri Danjire Afey.

Amb. Afeey ayaa sheegay in uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka socdaalka Dalka Canada Axmed Xuseen iyo gudiga Baarlamaanka Canada u qaabilsan arrimaha qaxootiga isla markaasna ay u balan qaaden in ay taageero siin doonaan qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxaa uu ugu danbeyntii sheegay in uu ka codsaday dowladda Canada in ay gacan ka geysato sidii waxbarasho loo siiin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed sidaas si lamid ahna ay u fuudeyso isku socodka xurta ah ee qaxootiga maadama badi qaxootiga ku nool dalalka geeska afrika ay yihiin kuwo aanan heysan sharciyo ay ku safri karaan.

Amb. Afeey ayaa sheegay in uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka socdaalka Dalka Canada Axmed Xuseen iyo gudiga Baarlamaanka Canada u qaabilsan arrimaha qaxootiga isla markaasna ay u balan qaaden in ay taageero siin doonaan qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in uu ka codsaday dowladda Canada in ay gacan ka geysato sidii waxbarasho loo siiin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed sidaas si lamid ahna ay u fuudeyso isku socodka xurta ah ee qaxootiga maadama badi qaxootiga ku nool dalalka geeska afrika ay yihiin kuwo aanan heysan sharciyo ay ku safri karaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]