4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2018
Ciidanka amniga Galmudug oo tagay guri ay sheegeen in laga soo abaabulay weerarkii Gaalkacyo

Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) – Ciidanka amniga Galmudug ayaa maanta soo bandhigay dhisme ay sheegeen  inay degganayeen raggii fuliyay weerar Isniintii toddobaadkan lagu qaaday xarun uu Koonfur magaalada Gaalkacyo ka degganaa Waddaad lagu magacaabo Cabdiwali Cali Calmi Yare.

Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliska Galmudug,Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) ayaa sheegay in gudaha guriga ay ku arkeen raadad muujinaya in  laga soo abaabaulay weerarka, waxa uu inta ku daray in hay'adaha ammaanka Galmudug ay ku howlanyihiin sidii ay ku heli lahaayeen xog dheeraad ah iyo cidda gacanta ku siisey ugu yaraan shan nin oo la aaminsanyahay in weerarka ay fuliyeen.

Ilaa 20 ruux oo uu ku jiro waddaadka Cabdiwali Cali , ayaa ku dhintay weerarka oo dhacay  26 bishan November, waxaana mas'uuliyadiisa sheegtay ururka al-Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]