Khamiis, November, 29, 2018 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee
Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qabatay munaasabad lagu soo
bandhigayay nuqul ka mid ah Dastuurka KMG oo loo turjumay afka Carabiga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa
ka hadlay howlihii u soo qabsoomay ee la xiriirtay carabiyaynta Dastuurka KMG
ah, isagoo ka qeybgalayaasha u soo bandhigay nuqul ka mid ah Dastuurka KMG ah
oo loo turjumay Afka Carabiga.
Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Xamud Bin Samraan oo goobjoog ka
ahaa bandhigga Nuqulka Dastuurka ee afka Carabiga loo turjumay ayaa sheegay in
ay dadka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin caawinaam joogta ah, gaar ahaan
inay door muuqda ka qaadan doonaan hawlaha dhameystirka Dastuurka KMG.
“Waxa aan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ku ammaanayaa hawsha baaxadda leh ee
ay dadka Soomaaliyeed u heyso, waxaan u mahadcelinayaa guddiga Soomaaliyeed ee
muddo afar bil ah ka shaqeeyay in Dastuurka KMG ah loo turjumo Afka Carabiga.
Waxa aan idinku taageereynaa howsha adag ee dadka Soomaaliyeed aad u heysaan ee
ah dhameeystirka Dastuurka KMG ah” ayuu yiri Safiir Xamud.
Wasiir KuXigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa Safiirka
Jaamacadda Carabta uga mahadceliyay doorka uu ka qaatay carabiyaynta Dastuurka.
“Marka hore waxaan ka mahadnaqeynaa dedaalka iyo waqtigii uu Safiirka
Jaamacadda Carabta geliyay barnaamijka carabiyaynta Dastuurka; waa howl muhiim
ah oo dhaxal u ah dadka Soomaaliyeed. Luqadda labaad ee dalka waa afka-carabiga
sida uu Dastuurka uu qorayo, waxaanu ka shaqeyneynaa in Dastuurka uu noqdo mid
Afka-carabiga muhiimad siiya” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa Safiirka ka gudoomay nuqul ka mid ah
Dastuurka KMG ah oo ku qornaa Afka-Carabiga.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]