4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2018
NISA oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay mid ka mid ah raggii ka danbeeyay Qaraxii hotel Saxafi

 

Khamiis, November, 29, 2018(HOL)- War lagu daabacay Bogga Twitter  -ka ee hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah raggii ka danbeeyay weerarkii 9kii bishii September lagu qaaday hotelka Saxafi.

Hay'adda NISA qoraalka kuma aysan sheegin magaca qofka ay soo qabteen ee ka danbeeyay weerarkii hotelka Saxafi oo ay ku nafwaayeen tiro ka badan 50 ruux halka Boqol kalana lagu dhaawacay..

Marar badan oo hore sidan oo kale hay'adda NISA ayaa sheegtay in howlgal ay sameeyeen ciidamada nabad-galyada lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxaha Argagxisada, hasse ahaatee marka laga soo tago qoraalka hay'addu ma soo bandhigto magacayda iyo sawirrada dadka la sheegay in la soo qabtay. 

Ma jirto tafaasiil intaas dheer aad oo laga bixiyo howlgalada ciidanka Amniga sameeyeen, marka laga reebo un in howlgal dhacay iyo xubin ka tirsan dhaq dhaqaaqyadaas dowladda ka soo horjeeda la soo qabtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]